farqiga u dhaxeeyo dugsiga sare iyo jaamacadada

wax yaaha aay ku kala duwan yihiin jaamacadda iyo dugsiga sare



Farqiga u dhexeeya dugsiga sarre iyo jaamacadda waa mid weyn oo saameeya 

dhinacyo badan oo ka mid ah nolosha waxbarashada iyo tan gaarka ee ardayga. 

Labada marxaladdood waxay leeyihiin nidaamyo waxbarasho oo kala duwan, 

masuuliyaddo kala geddisan iyo heerar kala duwan oo ka mid ah la qabsiga. 

Qodobbada ugu muhiimsan ee farqiga u dhexeeya dugsiga sarre iyo 

waxbarashada sarre ee jaamacadda waxaa ka mid ah:

1. Heerka Aqooneed

2. Hababka Waxbarashada

3. Habka Imtixaannada iyo QiimeyntaHeerka Aqooneed

2. Hababka Waxbarashada

3. Habka Imtixaannada iyo Qiimeynta

Dugsiga Sarre: Waxbarashada dugsiga sare waxay xoogga saartaa 

baridda aqoonta asaasiga ah iyo diyaarinta ardayga si uu ugu gudbo 

heerka jaamacadda. Aqoonta la barto inta badan waa mid ballaaran oo 

ku saleysan mawduucyo kala duwan oo dhan walba taabanaya.

Jaamacadda: Jaamacaddu waxay diiradda saartaa baridda aqoon 

gaara oo qoto dheer iyo horumarinta kartida xirfaddaha gaar ah ee la 

xiriira kulliyadda ama koorsada la doortay. Ardaygu wuxuu bartaa 

xirfaddo gaar ah oo looga baahan yahay adeegyada bulshada iyo 

suuqa shaqada, waxaana la barayaa sida loo dabaqo aqoonta lagu 

barto Jaamacadda.

Hababka Waxbarashada

3. Habka Imtixaannada iyo Qiimeynta

Dugsiga Sarre: Waxbarashada dugsiga sare waxay xoogga saartaa 

baridda aqoonta asaasiga ah iyo diyaarinta ardayga si uu ugu gudbo 

heerka jaamacadda. Aqoonta la barto inta badan waa mid ballaaran oo 

ku saleysan mawduucyo kala duwan oo dhan walba taabanaya.

Jaamacadda: Jaamacaddu waxay diiradda saartaa baridda aqoon 

gaara oo qoto dheer iyo horumarinta kartida xirfaddaha gaar ah ee la 

xiriira kulliyadda ama koorsada la doortay. Ardaygu wuxuu bartaa 

xirfaddo gaar ah oo looga baahan yahay adeegyada bulshada iyo 

suuqa shaqada, waxaana la barayaa sida loo dabaqo aqoonta lagu 

barto Jaamacadda.

Dugsiga Sarre: Dugsiga sare wuxuu isticmaalaa hababka waxbarashada 

aasaasiga ah, sida casharrada fasalka, macalinka oo doorka ugu badan ee 

waxbarista iska leh iyo buuggaagta aasaasiga ah oo laf dhabar u ah 

waxbarista ardayda. Inta badan ardayga waxaa laga rabaa inuu si wanaagsan 

u fahmo oo u xafido macluumaadka lagula wadaagayo xiisadaha.

Dugsiga Sarre: Imtixaanada dugsiga sarre waxay inta badan ku 

salleysan yihiin su'aalo la xiriira aqoonta guud ee ardaygu baranayo. 

Qiimeynta waxaa lagu salleeyaa inta badan qiimeynada looga qaado 

imtixaannada qoraalka ah iyo tijaabooyinka fasalka loogu sameeyo.

Jaamacadda: Jaamacaddu waxay isticmaashaa habab waxbarasho qoto 

dheer oo cilmi baaris ku saleysan. Ardayda waxaa laga filayaa inay si 

madax-bannaan u fuliyaan shaqooyinka cilmi-baarista, waxaana looga 

baahan yahay inay si qoto dheer u daraaseeyaan mawduucyada oo ay soo 

saaraan xog iyo talooyin cusub oo ku saabsan cilmiga ay baranayaan.

4. Mas'uulliyadda Ardayga

5. Xiriirka Macalinka iyo Ardayga

6. Xullashada Kulliyadda iyo Koorsada

Jaamacadda: Imtixaanada iyo qiimeynta Jaamacaddaha waxay 

diiradda saarraan xirfaddaha iyo aqoonta gaar ah ee ardayga la 

barayo. Ardaydu waxay fursad u hellaan inay muujiyaan faham qoto 

dheer leh oo ku aaddan mawduucyada iyo cabirrida awooddooda 

garasho.

Dugsiga Sarre: Ardayda dugsiga sarre waxaa laga filayaa inay raacaan 

jadwalka iyo tilmaamaha macalimiinta. Maamulada iyo macalimiinta 

ayaa inta badan xakameeya oo haga hab-dhaqanka iyo waajibaadka 

ardayga.

Jaamacadda: Jaamacadda, ardayda waxaa laga filayaa inay qaataan 

mas'uuliyad buuxda oo ku saabsan waxbarashadooda. Waxaa laga 

doonayaa inay si madax-bannaan u maareeyaan waqtigooda, 

shaqadooda iyo daraasaddooda. Ardayda ayaa leh xorriyadda iyo 

doorka la xiriira inay doortaan Kulliyadda, koorsooyinka iyo 

mawduucyada ay doonayaan inay si qoto dheer u bartaan.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog